Home | Warar | Soomaaliya: Ismaamul Goboleedyo mise Moorooyin Qabiil?

Soomaaliya: Ismaamul Goboleedyo mise Moorooyin Qabiil?

image Ahmed Ashkir Botan

Soomaaliya: Ismaamul Goboleedyo mise Moorooyin Qabiil?

Soomaalida dhexdeeda, maalmahan waxaa oogan waxa loogu yeero 'Maamul goboleedyo'. Kuwaas oo midba meel looga dhawaaqo, ka dibna ku soo biyo-shubta in la caleemo-saaro Madaxweyne. Haddaba arrintan yaabka leh, hore waxaa baaritaan ugu sameeyey, si qoddo dheerna wax uga qoray Prof Axmed Ashkir Bootaan. Qormadiisa oo daraasad ahayd, Prof Botaan wuxuu diyaarshay intii uusan geeriyoon Sannadkii 2001, waxaana loogu soo daabacay Wargeyska Kasmo ee ka soo baxa magaalada London. Waxay u qoran tahay sidan:-

I. Hordhac

Dalka Soomaaliya waxa uu ku yaallaa qeybta ugu weyn geeska bari ee qaaradda Afrika oo loo yaqaanno Geeska Afrika. Tirada dadka dega dhulka Soomaaliya (Inkastoo aan la haynin tirakooob sax ah)waxaa lagu qiyaasa 7.5 milyan oo qof, wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxaddisu dhan tahay 632,000 Km2.

Soomaaliya waxay tanaad ka tahay kheyraadka dabiiciga ah xagga dhulka iyo baddaba, beeraha iyo xooluhuna, sidoo kale waa laf-dhabarka dhaqaalaha. Si kastaba ha ahaatee dhaqaalahaasi baaxadda weyn marna lagama faa’iideysan, laba sababood awgood.Tan koowaad waa maamul xumo baahday oo aysan waxba isku dhaamin xukuumadihii kala duwanaa ee waddanka soo maray iyo, Tan labaad oo ah iyadoo aysan jirin aqoon farsamo iyo raasamaal lagu maalgeliyo intaba, taasina waxay keentay in Soomaaliya ay noqoto mid ka mida ah waddamada uu faqrigu ragaadiyay adduunka aan maanta joogno.

Dalka Soomaaliya waxaa weligeed loo aamminsanaa in ay ka duwan tahay waddamada kale ee Afrikada madow, marka loo fiiriyo sida ay uga mideysan tahay dhalashada, dhaqanka, diinta ,iyo afka. Taasina waa tan keentay in Soomaaliya xornimada ka hor loo yaqaannay ‘Qaran aan dowlada lahayn’, Sida uu ku leeyahay Prof. Cali Mazruuci buugiisa caanka ah ee The Africans "Inta badan waddamada Afrika waa dadyow kala duwan oo u baahan dareen midnimo qaran, halka soomaalidu ay weligood ahaayeen dad leh hal qowmiyd oo ay ka maqan tahay midnimo dhuleed".

Gaar ahaantan isir dhaqameed waxay had iyo goor ahayd tan ay ka soo burqanayeen in ay Soomaalidu ku faanaan qarannimadooda iyo dhaxalkooda taariikhiga ah oo ah xarigga isku hayey midnimada Soomaalida.

Laakiin sannadihii la soo dhaaafay arrintani meesha way ka baxday, midnimadii soomaalidana waxay u kala falliirantay kumanyaal qeybood, boqollal jufo iyo kooxo kale, taas oo dhabbha u xaartay in uu dalku burburo, bulshaweyntii soomaliduna ay u kala jajabta tolal iyo qabiilo si gaar ah loogu daneysto. Dadkii Soomaaliya si fiican u yaqaannay waxay ilaa iyo hadda ku wareersan yihiin waxa ku dhacay dadka soomaalida oo isku xirnaantoodii kala yaaciyay. Soomaali badan ayaa sidoo kale iyaguna la amakaagsan baaxadda burburka ku dhacay Soomaaliya, tanina waa tan sababtay in soomaalidu ilaa iyo imminka ay heli la’ yihiin qaab ay u daweeyaan mushkiladda la soo gudboomnaatay. Qaar ka mid ah dadka wax ka qora burburka ku dhacay Soomaaliya waxay rumaysan yihiin in kala daadashada ku dhacday bulshada soomaalida ay tahay mid aan la baajin karin oo ay ahayd in ay dhacdaba, iyagoo taa sabab uga dhigaya dhismaha qabyaaladda oo ay soomaalidu ku taagan tahay, waxayna ku doodayaan in iyadoo laga shidaal qaadanayo qabyaaladda ay tahay in la siiyo mudnaan gaar ahaaneed mar kasta oo la isku dayayo in dib loo soo nooleeyo dowladddii soomaaliyeed iyo qeybinta awoodda siyaasadeed ee mustaqbalka. Iyadoo ay arrintan gadaal ka riixayaan kuwa ku takhasusay cilmiga bulshada iyo taariikhda ee ajnabiga u badan iyo kuwa isku magacaaba "Khubaro" waxay mar walba isku dayaan in meel walba oo ka mid ah nolosha soomaalida ay ku eegaan il qabyaaladeed iyagoo inta kalena iska indho saabaya.

Ma jirto cid inkiri karta in qabyaaladdu ay qarniyo badan ahayd saldhigga nidaamka bulsho ee Soomalida, isla markaana ay qeyb weyn ka ahayd dhaqanka soomaalida, laakiin nooca qabyaalad ee hadda ka aloosan

Soomaaliya wax shaqo ah kuma laha dhaqan qabyaaladeedkii hore ee soomaalida. Dhab ahaantii in kastoo dhaqankii hore ee qabyaaladdu uu lahaa ceebo fara badan oo ka mid ahayd, danbiga oo aan qoorta loo sarin qofka gala iyo kaalinta dumarka oo la quursado, iyo kuwo kale, haddana qabyaaladdu waxay u taagneyd laba arrimood oo waaweyn:

1. Is-dugsi: qabiilku waxa uu xubnaha u dhashay ka difaaci jiray haddii debadda laga soo weeraro, waxana uu kaalmo hiil iyo hooba ah u geysan jiray dadka u dhashay marka ay dhibaato ama baahi ay la soo gudboonaato. Haddii si kale loo dhigo qabiilku waxa uu ku jiray kaalinta ay bulshada casriga ah kaga jiraan hey’daha Caymiska oo kale.

2. Is-aqoonsi: Dadka Soomaalida ah aqlabiyaddooda noloshoodu waxay ku taagan tahay dhaqashada xoolaha iyo guurguurid joogto ah. Maaddama qofka Soomaaliga ah uusan lahayn warqad aqoonsi ama degaan rasmi ah, jidka keliya ee lagu aqoonsan karo waa in uu abtirsado oo uu sheego qabiilka uu u dhashay, taas oo ka dhigan warqaddiisa aqoonsiga oo lagu garanayo.

Qabyaaladda nooca ahi haba yaraatee wax khatar ah kuma heyso jiritaanka ummadda ama midnimada qaranka, waana nidaam bulsho siyaasaded oo ummadaha oo dhami ay soo mareen intii aysan il bixin oo aysan horumar gaarin. Laakiin in kasta oo aysan khatar ku ahayn qarannimada, haddana lama socon karto baahida loo qabo in la helo nidaam bulsho-siyaasadeed oo ay hoggaaminayso dowlad casri ah.

Qabyaaladda la siyaasadeeyay ayaa ah in loo arko mid khatar weyn ku haysa dowladda iyo midnimada qaranka labadaba. Qabyaaladda noocan ahi waxaa adeegsaday isticmaarkii reer Yurub ee dalkeena gumeystay si ay u kala daadiyaan isku xirnaanta bulshada, ayna u jebiyaan dhaq-dhaqaaqyadii gobannimo doonka ahaa ee iyaga ka soo horjeeday. Markii xornimada la qaatayna qabyaaladda la siyaasadeeyay waxay noqotay furaha loo adeegsado loollanka awoodda iyadoo siyaasiyiintu ay u adeegsadeen in ay xajistaan kuraasidooda. Qabiilkuna waxa uu u ahaa sallaanka ay ku fuulaan manaasibta waaweyn ee siyaasadeed ama dhaqaale ee dalka. Loollanka awoodda ee qabiilka dugsanaya waxa uu dhaliyay hardan marka dusha laga fiiriyo magac qabiil wata, laakiin sida dhabta ah ka dhexeeya siyaasiyiinta xukunka isku haysata.

Sida uu leeyahay Mr. Claude Reviere "Hardanka u dhexeeya kooxaha siyaadeed ee xukunka u ooman waxa uu inta badan dugsanayaa shaati qabyaaladeed, laakiin marka si dhab ah loo fiiriyo ma ha mid ka dhexeeya qabaa’ilka iyo dabaqadaha, ee waxa uu ku kooban yahay inta xukunka dooneysa oo badanaa ka faa’iideysta muranka u dhexeeya qaruumaha kala duwan si ay dantooda gaarka ah u meel marsadaan. Waxaa marag ma doonto ah in kooxaha wax xukuma iyo kuwa ka soo horjeeda labaduba ay ka faa’iideystaan aqoon la’aanta bulshada iyo wacyigooda siyaasadeed ee aadka u hooseeya".

In qabyaaladda siyaasadeysan loo adeegsado loollanka awoodda waa arrin mararka qaarkood macquul u muuqan karta, laakiin ma aha in ragga siyaasadda iyo xukunka doonaya in ay qabyaalada u adeegsadaan burburinta bulshada xitaa haddii bulshadaasi ay ka kooban tahay qowmiyado kala duwan ama qabiillo iska soo hor jeeda.

Si kastaba ha ahaatee, qabyaaladda siyaasadeysani ma jirto wax qiimo ah ay ku dhex leedahay bulshooyinka meel walba ka mideysan sida soomaalida oo kale, waxaana ku awr-kacsada oo keliya kooxo isku darsaday damac dheeri, awood raadin iyo damir laawennimo.Dalka Soomaaliya calaamadaha qabyaaladda siyaasadesani waxay si xoog leh uga soo if baxday markii la unkayay dowladimada soomalida bartamihii Kontomeeyadii iyadoo intaa wixii ka danbeeyayna sii ballaaranayay, ilaa uu ka gaaro heerkii ugu xumaaa ee ay soomaalidu weligeed gaarto. Qabiil kasata waxa uu doonayey in uu faraha ku dhigo kuraasida dowladda inta uu kari karay, taas oo dhashay in awoodii xukunka lagu qeybsado qaab qabiil oo aan shaati loo soo gelinnin. Maddama darajooyinka sar sare ee dowladda dadka loo dhiibayo aan lagu soo xulin aqoontooda iyo kartidooda, balse lagu soo xulay iyadoo loo fiirinayo qabiilka ay u dhasheen. Taasina waxay dhashay in nikii meel ka qabta maamulka

dowladda uu ku majo fidsado booskaas ilaa uu ka noqdo mid aan dhinacna looga riixi karin. Mid kasta waxa uu u adeegsaday awooddii iyo xoolihii ummadda ee isaga hoos imaanayay, sidii kuwo uu isagu dhididkiisa ku tacbaday oo kale, wuxuuna u cantoobiyay tolkiisa iyo xigaaladiisa si uu u xajisto taageerada qabiilkiisa.

Qabyaaladdan siyaasadeysani waxay lugaha la gashay dhammaan hey’daha qaranka iyadoo uu halkaasi ka hana qaaday musuq-maasuq baahay, waxayna qabyaaladdani noqotay mid hareysa qeybaha siyaasadda iyo maamulka oo dhan. Gabayaaga caanka ah ee Cali Sugulle ayaa isagoo sadaalinayay arrintan waxa uu soomalida uga digay gaar ahaan kuwa hoggaanka haya dhibaatada weyn ee ka dhalan karta marka la isku dhex daro arrimaha qaranka iyo qabiilka ,wuxuu yiri;

Dhagax iyo Dab Layskuma Dhuftee, Kala Dhowraay

Waxa ka Dhigan Dowladnimo Iyo Qabiil Dhexa galee,

Kala Dhowray, Kala Dheer Labaduye,

Marka aan fiirinno xaaladda maanta dalkeenna Soomaaliya qabyaaladda siyaasadeysani ay geyeysiisay bulshada Soomaaliyeed oo xitaa gaaray heer laga yaabo in uusan gabayaagu Cali Sugulle markii uu tirinayay aan maskaxdiisa ku soo dhacsaneyneyn. Run ahaantii kooxaha kala duwan ee Soomaliya si ay awoodda gacanta ugu dhigaan waxay dagaalkii lagula jiray nidaamkii waddanka ka takinayay u rogeen dagaal qabiil, iyadoo isla markaasna nidaamka talada hayey lagu ridi karay wadiiqooyin fara badan oo ka fudud, khasaarahooduna uu aad u yar yahay. Dagaalkii qabiilku waxa uu keenay in waddanku maadiyan iyo macnawiyanba uu u burburo, nidamkii bulshaduna uu kala daato, intii laga xoog roonaana lagu tuntay oo dhaawacyo fool xun la gaarsiiyay.

II. Dhibaatada ugu weyn ee laga dhaxlay daqaalkii qabiilka ee macna la’aanta ahaa waxay tahay kala googo’a dhulkii soomaaliyeed oo noqday moorooyin ay qabiillo kala ooteen. Qabiilooyinka iyo jufooyinku waxay dalkii u kala mooreysteen hadba sida ay ugu kala tiro badnaayeen degaannada, iyadoo qabiil kastana moorada uu ootay uu ka geystay falal cadawnimo ah oo uu ku sifeynayo qabiillada ka tabar yar si uu isaga keligii ugu haro, ninkii loo arko in inuu u dhashay qabiilka iyaga ka soo hor jeedana waxaa laga dhigay mid la dilay iyo mid la bara kiciyay, miyi iyo magaalaba .

Halkii qabiil ee meel u soo harayna isaga dhexdiisu kalama nabad gelin, maadaama ay qabyaaladdu mar walba hoos u soo degeyso ayaa qabiil walba wuxuu u qeybsanmay jufooyin, baho, iyo reero, oo mid walba uu doonayo in uu la wareego hoggaaminta qabiilka, bah walbana ay dooneyso in ay bahda kale ka hoos baxdo.. ka dibna ay kala googosteen dhulkii qaran.

III: Shirkii Addis Ababa iyo Ismaamul Goboleedyada

Tan iyo markii ay qaraxday mushkiladda Soomaaliya waxaa jiray dadaallo la isku dayayo in in xal deg deg ah loo helo arrinta.

Waxgarad badan oo Soomaaliyed oo ka wel-welsanaa dagaallda qabiilka iyo natiijooyinkii naxdinta lahaa ee ka dhashay ayaa waxay isku dayeen iyagoo la kaashanaya Qaramda Midoobay iyo bulshada caalamka. Waxgaradkaasi waxay isku dayeen in ay ku qanciyaan qabaa’ilkii dirirayay in ay hubka dhigaan oo ay wadahadallo nabadeed isugu yimaadaan si loo xalliyo mushkiladda. Waxaa la qaban qaabiyay shirar nabadeed oo fara badan, siminnaarro, aqoon isweydaarsiyo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Shirarkaasi waxaa dhextaal u aaha midkii lagu qabtay Addis Ababa, Maarso 1993kii. In kastoo heshiisyadii iyo qorshayaashii shirkaas lagu gaaray aan midna laga fulin, hadddana fikradihii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa fikradda "Is-maamul goboleedka". Fikraddan oo marka dhinac laga fiiriyo qurux badan oo loo riyaaqi karo, marka dhinac kale laga eegana khatar weyn ku ah jiritaanka qarannimada soomaaliiyeed. Mar waa muhiim oo fikradda maamul goboleedka waxay ka hirgashay meelo farabadan oo ka mid ah oo adduunka ka mid ah iyadoo natiijooyinkii ka dhashayna loo riyaaqay, haddii Soomaaliya laga hirgeliyana waxay keeni kartaa horumar iyo dimoqoraaddiyad, xallinta mushiklialddana qeyb ayay ka qaadan kartaa.

Dhinaca kale, fikradda Is-maamul goboleedka waxay u muuqataa mid khatar ku ah qarannimada, marka loo adeegsado si qalloocan waxay keeni kartaa in ay sii ballaariso qaska iyo fowdada ka jirta waddanka, iyo sidoo kale burburka bulsho iyo dhaqaale. Su’aasha marka hore in laga jawaabo mudan waxy tahay Maxaa loola jeedaa "Ismaamul goboleed? Muxuu yahay hadafka laga leeyahay? Xaddigeedu intuu le’eg yahay? Ma waxaan dooneyna Is-maamul goboleed dhab ah mise in la baahiyo awoodda maamulka?

Heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa ma bixinayo tilmaamo cad, kamana jawaabayo su’aaalaha aan soo xusnay, waqtiga la joogay iyo meesha lagu shirayayba kuma aysan filleyn in la helo tafaasiil ku saabsan fikradda maldahan ee Is-maamul goboleedka. In kasta oo waxaas oo dhan aan lagu caddeynin macnaha saxda ah ee looga jeedo maamul goboleedka, haddana heshiiskii Adis Ababa wuxuu sheegayaa xiriir toos ah oo ka dhexeynaya Golayaasha Gobollada (oo ah awoodda ugu sarreysa maamulka gobol walba) iyo UNOSOM II iyo ururrada la xiriira iyadoo isla markaasna awoodda oo dhan uu gacanta ku haynayo Golah Qaranka ee Ku meel gaarka ah (TNC), taas oo mar kale si cad uga hor imaaneysa fikradda Ismaamul Goboleedka.

Intaa waxaa dheer markii aan kala dooday qaar badan oo ka mid ah raggii dejiyay heshiiskii Addis Ababa waxa ii soo baxday in aysan jirin fikrad ay isku raacsan yihiin marka laga hadlayo ismaamul goboleedka. Qaar badan oo ka mid ah raggaasi wax fikrad ah kamaba haystaan waxa loola jeedo Is- maamul goboleed iyo inta u qodan yahayba, halka qaar kalena ismamul goboleedku uusan waxba uga duwaneyn dowlad madax bannaan. Qeyb yar oo raggaasi ka mid ah un baa si sax ah u fahamsan waxa uu u jeedo erayga Ismaamul goboleed oo ah waddan mid ah oo ka kooban gobollo fedaraali ah .

Sida muuqata soomaalidu way ku wareeraan marka la soo qaado erayga Ismaamul goboleed, iyo fasiraaddiisaba, taasina waxay ka muuqaneysaa in ilaa iyo hadda afkaaraha ay soo gudbiyeen ragga u ololeynaya arrintaani mid walba waxay xambaarsan tahay aragti gaar ah oo nin walba uu ku saleeyay sida uu isagu jeclaan lahaa. Waxaa shaki weyni ka imaan karaa in hirgelinta nidaamka Ismaamul goboleedka ay munaasib u tahay Soomaliya iyo in kale, maadaama fikraddan asalkeedii hore ay ka timid dhulyoow kale, dabadeedna ay soo min-guuruyeen niman isku magacaabay in ay "Khubaro" ku yihiin arrimaha Afrika oo iyagu mar walba ku dooda in furaha keliya ee Afrika lagu fahmi karo u yahay kan "Qabiilka".

Haddii aan raacno fikraddan waxay ka dhigan tahay in aan sharciyeyneyno in dalka loo kala qeybiyo "Moorooyin" uu mid walba qabiil deggan yahay, qabiilkuna waxa uu ka dhigan yhay qeyb ka mid ah bulshada oo aan xisaabta ku darsaneynin ciddii aan u dhalan. Waxaa intaa dheer in Ismamul goboleedyada lagu saleynayo degaannda ay qabaa’ilku deggan yihiin aysan la saan qaadi karin nidaam dowladeed oo casri ah, balse ay ka dhigan tahay oo keli ah in dib loogu noqonayo marxaladdii badownimada ee waa hore laga yimid!

Fikrada nidaamka Is maamul goboleedyada waxay qeyb ka tahay dabeyl ballaaran oo hareysay qaaradda Afrika guud ahaanteeda ka dib markii ay qaarada ragaadiyeen tobannaan sano oo xukun boqortooyooyin ah, xukumayaal millatai oo keltalisyo ah, iyo nidaamka halka xisbi, ayaa 1989kii waxaa bilowday dadaal loogu jiro in Afrikada madoow ay mar kale u baxdo nidaamka dimoqoraadiyadda. Waxay ahayd arrin la isku raacsan yahay in Afrika ay hesho nidaam dhaqaaale iyo mid siyaasadeed oo ku dhisan dimoqoraadiyad, si loo soo ebyo sannadihii xanuunka badnaa ee dagaallada, dib-u-dhaca iyo saboolnimada.

Dhanka kale waxa su’aal furan ahayd dimoqoraaddiyada laga hirgelinayo Afrika qaabka ay noqonayso. Dad badan ayaa qaba in Afrika ay isku maamusho nidaam dimoqoraaddiyadeed oo iyada u gaar ah, oo la saan-qaadaya dhaqankeeda iyo taariikhdeeda, halka qaar kalena ay qabaan in fekraddani khatar ku tahay mujtamacyada ku nool Afrika, waxayna ka cabsi qabaan in arrintu faraha ka baxdo. Qaar kale ayaa iyaguna qaba in aysan gabi ahaanba suurto gal ahayn in Afrika xilligan dimoqoraadiyadi ka hirgasho, iyagoo sabab uga dhigaya in aysan Afrika haysan waxyaabaha saldhigga u ah dimoqoraaddiyadda sida; horumarka dhaqaalaha iyo nidaam waxbarasho oo hagaagsan.

Si kastaba ha ahaatee natiijada ka soo baxeysa fikradahan waxay isugu soo biyo shubaneysaa in Afrika ay taagan tahay waqtigii ay ugu baahi badneyd in ay tallaabo u qaado xagga dimoqoraadiyadda.

Taas oo ah in ay yeelato qaab lagu baahinayo awoodda dhexe. Maaddaama ay jirto kala shaki iyo is aammin xumo, waxaa habboon in la qaato nidaamka federaalka, gaar ahaan waddamada qarannimadooda lagu dhisay si gacan ku rimis ah (taas oo ay ka siman yihiin inta badan waddamada qaaradda Afrika ee maanta jira). Wadiiqada lagu yagleelayo nidaam awooddiisu baahsan tahay oo dimoqoraadi ah oo ka hanaqaada qaaradda Afrika ayaa inta badan loo arkaa in uu yahay nidaamka "Is Maamul Goboleedka"

Dalka Soomaaliya horraantii 1990kii ayaa waxaa loo dejiyey Dastuur dimoqoraadi ah oo oggolaanaya dib u soo celinta nidaamka xisbiyada badan (Qodoka 8,18 ) dhaqaalaha suuqa (Qodobka 40) doorashooyin xor ah (Qodobka 15, 58/1, 79/1) iyo markii ugu horreysay taarrikhda Soomaaliya dastuurka waxaa lagu soo daray baahinta awoodda maamulka (Q.101). Qodobadani waxay ahaayeen kuwo gaarsiin karay Soomaaliya nidaam dimoqraaddi ah oo dhab ah iyo Ismaamul goboleed sugan, isla markaana waxay baajin kartay xaaladda murugada leh ee dalka ka dhacday.

Dhibaatooyinka nidaamka Ismaamul goboleedyada

Sidii aan horeyba u soo sheegnay, fikradda ah in maamul-goboleedyo laga hirgeliyo Soomaaliya ee lagu hindisay shirkii Addis Ababa, Maarso 1993kii waa mid jaha-wareer badani uu ka taagan yahay, isla markaasna albaabada u furaysa fasiraadyo kala duwan, ma cadda in loola jeedo keli-talisnimo, maamul dhab ah , iyo awood maamul oo baahsan midna.

Run ahantii xaaladda burbur ee ka jirta dalka Soomaaliya iyo sharci la’aantu la badayba ma saamaxayaan in Sharci loo dhigo ama la aasaaso awood goboleed. Ma jiraan sharciyo qeexaya awood la siinayao maamulladaas iyo sidoo kale sharciyo kala hagaya maamulladaas laftooda. Waaya arignimo la’aanta arrimahan oo dhami waxay fikradda Is-maamul goboleedyada ka dhigeysaa mid sii hurisa dabkii horey Soomaaliya uga shidnaa.

Marka si fiican loo eego xaalka Soomaaliya halka uu marayo waxaa hubaal ah in dib u soo celinta maamulkii qaranka iyo dejinta dastuur cusub labaduba ay waqti qaadanayaan, ilaa labadasi laga helana isku day kasta oo lagu hirgelinayo nidaamka Is-maamul goboleedyada waxay noqoneysaa mid dhalanteed ah.

Xitaa haddii aan ka soo qaadno in la helay nidaam maamul goboleed oo leh dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayaa waxaa ka hor imaanaya saddex caqabadood oo ay xallintoodu dhib noqon doonto.

A) Mushkiladda siyaasad caadil ah:

Baaba’a siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo ay dalka Soomaaliya u keeneen qabaa’ilka is cunaya waxay meesha ka saartay in la helo itijaah siyaasadeed oo mideysan, maaddama ay burbureen waxyaabihii uu ku taagnaan lahaa itijaahaasi.

Sidaasi darteed arrintu waxay isu beddeshay in qabiil walba dhulka uu deggan yahay uu siduu rabo ka yeelo, waxaan halkaa ka hana-qaaday hoggaaamiye kooxeedyo uu mid walba salka la galay qabiilkiisa si uu awoodda u xajisto.

Inta xaalku siidan yahayna waxaa muuqata in nidaamka Is maamul goboleedka uusan noqoneyn awood syaasadeed iyo maamul oo si toos ah ula saan qaadi karta sharciyada waddanka ee waxa uu noqonayaa mid isaga keligii sida uu rabo yeela, oo meel uu cuskado aan lahayn.

Intaas oo dhami waxay daliil u tahay in marka uu burburo nidaam bulsho-siyaasadeed uu jiritaaanka qaranku uu khatar ugu jiro qabyaalad la siyaasadeeyay oo indho iyo dhego midna aan lahaeyn oo meel ay u jeeddo iyo meel ay ka jeeddo aan lahayn.

B) Mushkilad Dhaqaale

Sida la og yahay Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada ugu saboolsan qaaradda Afrika, markii dagaalku ka qarxayna saboolnimadaasi way sii baahday, waxayna isu rogtay xanuun aan loo adkeysan karin, sababtoo ah kaabayashii dhaqaale ee waddanku lahaa dhammaan waa la baabi’iyay.

Awoodda dhaqaale ee Soomaaliya aad ayay u ballaaran tahay marka loo eego tirada dadkeeda, laakiin farsamadii iyo aqoontii looga faa’iideysan lahaa iyo raasamaalkii lagu maalgelin lahaa, labadaba gacan laguma hayo, sidas darteed waxa loo baahan yahay in xoog badan lagu bixiyo sidii dhaqaalaha waddanka dib loogu soo hinjin lahaa iyadoo xoogga la saarayo in la helo maalgelin nooc walba leh gudaha iyi dibaddaba iyo waliba maskax bani aadam oo Soomaali iyo ajnabiba leh oo tababaran.

Aqoonta xirfadeed ee ay Soomaaliya lahayd oo markii horeba aan dabooli karin baahida dalka ayaa haddana xilligan waxay ku kala firirsan tahay daafaha caalamka, qaar badan oo ka mid ahna waxayba ku naf waayeen dagaaladii qabiilka, qaar kalena waxay shaqo u raadsadeen hay’daha caalamiga ah iyo waddamada dibadda, qaar kalena iyagoo naftooda la cararay ayay baagaamuuddo ku joogaan qurbaha, intii yareyd ee dalka gudihiisa ku hartayna waxay ku sugan yihiin dhibaato iyagoo bulshada ka takooran, oo

qaarkoodna ay qasab ku noqotay in ay qabtaan shaqooyin aqoontooda ka hooseeya oo ay u raacdo khatar kale oo noloshoodu ku sugan tahay.

Sidaa darteed aqoonyahanka iyo xirfadlayaasha u dhashay waddanka waa in ay soo noqdaan, maxaa yeelay waa hantida keliya ee u hartay Soomaaliya, gacanna ka geysan karta dib u dhiska dalka, abuurina kara barnaamijyo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo waddanka lagu horumariyo.

Waa in aan qirannaa in uusan jirin qabiil isagu keeni kara barnaamij waddanka lagu dhiso ama lagu horumariyo, ama aragtidiisuba ay heer qaran la saan-qaadi karto. Cidda keliya ee la isku halleyn karo waa aqoonyahanka iyo xirfadlayaasha ku kala firirsan gudaha iyo dibadda, kuwaas oo ah indhihii waddanku uu ku socon lahaa, dibna isugu soo celin kara qarankii dumay, siyaasaddii marin habowday, bulshadii kala luntay, iyo dimoqoraaddiyaddii lagu tuntay.

C) Mushkilda khibrad maamul La’aaneed

Taariikhda Soomaaaliya kuma jirto dhaqanka iyo waayo-argnimada ismaamul hoosaadku. Isticmaarkii waddanka xukumayey iyo xukuumadihii waddaniga ahaa ee isaga ka danbeeyay kulligoodba ma aysan siinnin wax ismaamul hoosaad ah gobollaadii iyo degmoooyinkii iyaga hoos imaanayay, wax walbana kor ayaa laga xukumayay.

Dhinaca kale ma jirin dhaqdhaqaaq siyaasadeed ama mid fikradeed ama sharciyeed oo u ololeynayay in ismaaul hoosaadyo waddanka laga sameeyo (sida ka jirtay wadamo badan oo adduunka ka mid ah). Sidaa darteed, erayga Is-maamul goboleed waa mid keena jahawareer iyo aragtiyo is khilaafsan Soomalida dhexdeeda, taas oo daliil u ah in aqlabiyada shacabka soomaaliyeed oo heerkooda aqooneed uu hoooseyo aysan lahayn bisayl siyaasadeed.

Tani waxay mar kale noo caddeyneysa in weli mar kasta oo la isku dayo in dib loo guddoonsado dib u soo celinta qaranka Soomaaliyeed, lana so xulo ciddii waddanka hagi lahayd, in mar labaad dadkaasi aan lagu soo xuli doonin aqoontooda iyo kartidooda ee lagu soo xuli doono hannaankii qabyaaladda ee wax lagu qeybsan jiray.

Haddii taasi ay dhacdana tiirarka dimoqoraa- ddiyada sida (xisbiyada siyaasadeed, doorashooyin xor ah, xukunka aqlabiyadda, xuquuqda dadka laga tirada badan yahay…..), kuwaas oo dhami waxay noqon doonaan kuwo afka uun oo keliya laga sheeg-sheego oo aan macno ku fadhiyin, natiijaduna waxay noqonaysaa dimoqoraadiyada oo la garab maro.

Marka la isku soo ururiyo arrimahan aan soo sheegnay iyo kuwo kale waxaa hubaal ah in marka la eego xaaladda uu dalku maanta marayo in aan la gaarin waqtigii ismaamul goboleed dhab ahi uu waddanka ka hanaqaadi lahaa, haddii la isku dayana waxay khatar weyn u keeni kartaa jiritanka qaranka iyo midnimada labadaba.

V. Maamulka awoodda baahsan leh

Iyadoo Soomaaliya aysan wax waayo-aragnimo ah u lahayn nidaamka Ismaamul goboleedka ayaa haddana nidaamka Maamulka Baahsanina uusan wax weyn dhaamin oo isagana aysan soomaalidu wax badan ka arag. Wax weyni iskama beddelin nidaamkii maamul ee laga dhaxlay xukunkii isticmaarka ee ku saleysnaa dowladda dhexe oo ka kooban gobollo iyo degmooyin hoos yimaadda oo ay xukumaan governatoorayaal iyo guddoomiyeyaal degmo oo labadaba laga soo magacaabay dowladda dhexe, kuna shaqeeya awaamiirteeda, iyadoo isla markaasna wax walba ay

toos uga imaanayaan dowladda dhexe. In xilligan la soo rogo nidaam maamul baahsan leh iyada lafteedu howl sahlan ma aha. Waxayna u baahan tahay in tallaabo tallaabo awooda dowladda dhexe loogu wareejiyo gobollada iyo degmooyinka.

Nidaamka maamulka baahsan lihi waxaa la rumeysan yahay in uu ka wanaagsan yahay kan dowladda dhexe wax walba ay gacanta ku hayso, waana mid qancin kara baahida dadku ay u qabaan in ay ka qeyb qaataan siyaasadda iyo xukunka.

Faa’iidooyinka nidaamka maamulka baahsan leh waxa lagu soo koobi karaa sida soo socota:

- Wuxuu saamaxayaa in uu abuurmo xiriir toos ah oo ka dhexeeya bulshada iyo maamulka iyo in la fahmo mashaakilaadka gaarka ah ee u baahan in wax laga qabto iyadoo la adeegsanayo maamul hufan oo isku xiran.

- Wuxuu xoogga saarayaa baahida hoose ee bulshada isagoo hadba wadiiqada ugu habboon ku maareynaya.

- Wuxuu suurto gelinayaa xiriir toos ah oo dhex mara bulshada iyo kuwa xukumya iyo sidoo kale in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan adeeggooda.

- Waxay kor u qaadeysaa isla markaana adkeynaysaa dareenka mas’uuliyadeed ee bulshada, waxayna suuro gelineysaa iska warqab joogto ah oo ka dhexeeya maamulka iyo kuwa la maamulayo.

Waxay ila tahay in marka hore mudnaanta koowad la siiyo dib u dhiska dalka iyo horumarinta hay’adaha dowladda iyo nidaamka sharciga, markaas ayey suurto-galeysaa in waddanku dib u soo kabto. Markii sharciga iyo kala danbeynta la soo celiyo iyadoo lagu hoos shaqeynayo midnimada qaranka, ka dib ayay habboonn tahay in hore loo qaado talaabooyinka awoodda maamulka lagu baahinayo, laguna horumarinayo adeegya- diisa. Markaa nidaamka mamulka baahsani uu sal dhigto, ayaa tallaabo tallaabo loo bilaabayaa nooca maamul ee la baahinayo iyo nooca dowladda dhexe gacanteeda ku jiraya. Tallaabada tan ku xigta ayaa waxay noqon kartaa in marka waddanku siyaasad ahaan uu u dego, hay’adaha qarankuna ay si wanagsan isula jaan qaadaan, ayaa waxa lagu dhaqaaqi karaa in maamulka si dhameystiran loo baahiyo. Waxaan lama huraan ah in dadweynaha la baro kaalinta dowladda iyo kaalinta shacabka waxa ay kala yihiin, korna loo qaado dareenkoodda masuuliyadeed, si loo kaabo geedi socodka dimoqoraadiyadeed. Marka ay isla jaan qaadaan dhismaha hey’adaha qaranka iyo barnaamijyada kor loogu qaadayo aqoonta dadweynaha, labadaasai waxay gogol xaar u noqon karaan in la soo rogo nidaamka Is-maamul goboleedka iyo is-xukunka hoose.

VI.Nidaamka Federaalka iyo Gobolka Geeska

Xilligan taariikhiga ah oo ay ummadaha adduunku dadaalka ugu jiran in ay midoobaan oo ay abuurmayaan isbahaysiyo siyaasadeed, kuwo dhaqaale iyo kuwo millatariba, si ay isaga difaacaan khataraha uga imaan kara debadda, ama ay kaallin mug leh ugu yeeshaan adduunka, qaaradda Afrika iyadu gadaal-gadaal ayay u socotaa, waxayna doonaysaa in ay sii qeybsanto oo ay sii kala googo’do ilaa iyo meesha ugu hooseysa.

Waxaa madaxa la soo kacaya qowmiyado cusub oo kuwii waaweynaa ka soo hoos baxaya iyo qabyaalad aan meel ay ku dhamaato lahayn, wax walba oo isku xirnaan ah oo ay Afrika lahaydana cadcad ayay u sii kala jabayaan. Hay’adihii qaaradda waxaa ragaadiyay musuq-maasuq iyo xuquuqdii bani aadamka oo lagu tuntay, markasta oo laga deyriyo xaaladdana kooxaha xukunka haystaahi waxay iska dhega tiraan xaqiiqda meesha ka jirta.

Maantadan la joogo Afrika muuqaal ahaan waxaa jira "Map"-keeda oo keliya, laakiin siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba way dhimatay, oo adduunka korkiisa kumaba taallo. Sida uu leeyahay caalimka la yiraahdo G.Smussi, oo ku takhasusay mashaakilka waddamada Dunida Saddexaad "Haddii qaarada Afrika ay mowjadaha baddu liqaan oo iyada oo dhanba laga waayo adduunka waxay u badan tahay in maqnanshaheeda cidina aysan dareeminba, sababtoo ah ganacsiga Afrika oo dhan waxa uu suuqa adduunka ka yahay 2% oo keliya".

Haddii qiimaha qaaradda oo dhanba uu intaa le’eg yahay, maxaad u maleyneysaa qiimaha ay yeelan karto hal Qowmiyad, Qabiilo, ama Jifo? Ma mudan yihiin in dadaal badan lagu bixiyo wax ka dhigistooda?!

Haddii su’aalahan ka jawaabistooda la siiyo mudnaantooda, Afrikada dhulka taallaahi maanta si kale ayay u oolli lahayd. Maanta waa waqtigii la soo af jari lahaa kala qeybsanaanta aan macnaha lahayn ee qaaradda Afrika burburisay, waana waqtii laga shaqayn lahaa abuuridda iskaashi dhaqaale iyo mid dhaqan, iyadoo meel la iska dhigayo murannada siyaasadeed ee doqonnimada ah.

Haddii aan hoos u soo dego dowladaha iyo dadyowga ku nool gobolka Geeska Afrika waxaa lama huraan ah in iskaashi run ahi uu dhex maro, waana in marka hore laga billaaabaa in la isu furo xuduudaha, lana oggolaado isu socodka dadka iyo badeecoo- yinka, tallaabada ku xigtaana ay noqoto in dhidibbada loo taago hay’ado dhaqaale iyo kuwo dhaqan oo ka dhexeeya dowladaha Geeska Afrika oo dhan.

Maalinta meel la iska dhigo kala duwanaanta siyaasadeed, lana xoojiyo iskaashi dhaqaale iyo mid dhaqan ayaa loo soo jeesan karaa arrinta siyaasadda, iskaashigaasina waa in uu jidka u xaaraa qorshe Konfadareeshin ah oo ay yeeshaan waddamada Geeska Afrika. Maaha howl fudud, mana ahan mashruuc waqti gaaban soconaya, laakiin fekradda Konfaderashinku waa jidka keliya ee suurto galka ah oo gobolka Geeska Afrika lagu badbaadin karo.

VII. GABOGABO.

Soo rogidda maamul awood baahsan leh waxay muhiim u tahay tallaabooyinka loo qaadayo xagga dimoqoraddi- yada, laakiin tani kuma imaan karto laab-lakac iyo deg deg. Maadaama ay muhiim tahay isla markaasna ay khataro badani ka imaan karaan. nidaamka Is-maamul goboleedka waa in lagu sameeyaa daraasado cilmi ah oo faro badan si ay u noqoto arrin dhab ah oo la saanqaadi karta xaalka uu dalku marayo mar walba. Waxaa habboon in waayo-aragnimo laga kororsado khaladdaadka ay galeen waddamada laga hirgaliyay Is-maamul goboleedyada iyo faa’iidooyinka ay ka gurteenba, isla markaasna la kala saaro waxa munaasibka noo ah iyo waxyaabaha aan shaqada nagu lahayn.

Rag badan ayaa ku doodaya in haddii aan hoosta laga soo bilaabin aysan suurto-gal ahayn in dib loo dhiso waddamada Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxayna qabaan in horeba la qaato nidaamka awoodda lagu baahinayo oo loola jeedo; Federal, Is maamul goboleed iyo, noocyada kale ee is-maamulka. Raggani oo isku magacaaba in ay "Khubaro" ku yihiin arrimaha Afrika haddana ma fahmi karaan wax ka baxsan hadallada waaweyn ee qirada leh ee ay tuurayaan, waxayna arrimaha Afrika ku eegaan il qabiil oo keliya!

Aaway dhaqankii, taariikhdii iyo xadaaraddii Afrika ee faca weyneyd ee dhashay ilbaxnimooyin faro-badan? Afrika ma qabiil keliya un baa ka soo haray? Sow ma habboona in kuwaasi oo dhanna la tixgeliyo marka Afrika laga hadlayo.

Jawaabta ugu habboon ee aan siin karno raggaasi "Khubarada" isku magacaabay waa tan uu bixiyay Dr. M Aden "Si kasta oo wax looga sheego dimoqoraaddiyada Afrika wanaag iyo ceebba, qasab ma ah in ay u ekaato hannaanka reer Galbeedka ama ay ka duwanaato, laakiin waxaa la hubaa in aan hannanka qabiilku marnaba uusan noqoneyn mid lagu horumarayo.

Dhinaca kale, hannaanka qabyaaladdu waa mid sii ballaarinaya in ay bulshadu u kala burburto qeybo yar yar oo iyaguna col isku aha, adduunka kalena col la ah, oo aan wax la qabsan karin cid aysan isku dhiig iyo dhalasho ahayn! Natiijada keliya ee taa ka soo baxaysana waxay tahay dib u dhac iyo in laga soo horjeesto tallaabo kasta oo horumar ah".

----------------------------------

Prof Axmed Ashir Bootaan, wuxuu ahaa RaktarkiiJaamacadda Ummadda, Wasiir Wasaaraddii Tacliinta Sare, Guddoomiye Arrimaha Golaha Dhexe ee XHKS. Wuxuu ahaa Prof wax ka dhiga Kulliyadda Sharciga ee Jaamicadda Ummadda. Wuxuu geeriyooday 2001 Dalka Holland.

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text