Home | Warar | Maalintii London gelbisay Amiir William iyo Catherine Middleton

Maalintii London gelbisay Amiir William iyo Catherine Middleton

image Gelbis Aroos: Amiir William iyo Kate

Xafladihii oo weli socda: Aqal-galkii Amiir William iyo Kate Middleton

Saacadda London markay ahayd 11kii subaxnimo, 29ka April 2011, magaalada waxaa ka dhacay Nikaaxa lamaane cusub. Xiligaas oo bartamaha magaalada London iyo dalka intiisa kale ay wada ruxeen xaflado lagu soo dhoweynayo qoyska cusub ee ku soo biiray Boqortooyada UK.

Hal Million oo qof ayaa isugu soo baxay aqalka Boqortooyada hortiisa, kuwaas oo qaarkood teendhooyin  hore uga sii dhisteen, in ka badan 3 casho oo la soo dhaafayna ku hoyanayey halkaas, waxaana jiray dad isaga yimid ilaa Australia, Maraykan, Japan iyo meelo kale, waxaana dacallada dunida ka kala daawanayey in ka badan laba bilyan oo qof.

Dalka UK, arooska dartiis, waxay ahayd maalin fasax laga yahay shaqada si waqti loogu helo Arooska lagu tilmaami karo in uu yahay ‘Arooskii Qarniga’.

Kate Middleton oo ah aroosadda lala aqal-galay waxay Amiir William, oo la filayo in noqon doono Boqorka mustaqbalka, wada socdeen muddo dhan 10 sano. Kuwaas oo ugu dambeys maanta (29ka April 2011) la isku Nikaaxiyey, munaasabad weyn oo si qurxoon loogu agaasimay gudaha Kaniisadda Caanka ah ee lagu magacaabo 'Westminster Abbey'. Halkaas oo la isku nikaaxiyey, erayo waano ah ahna loogu jeedyey, arooska iyo aroosadduna jeediyeen erayo ballan-qaad ah, in midba kan kale ilaali doono (Nin iyo xaas ahaan).

Xafladda Nikaaxa Amiir William iyo Kate Middleton waxaa goob-joog ka ahaa ilaa 1900 qof oo mart-sharaf ah iyo xubnaha qoyska reer Boqor oo ay ka mid ahaayeen Boqorada iyo ninkeeda (Amiir William Ayeeydiis iyo awoowgiis). Sidoo kale waxaa ka soo qayb-galay Prince Charles oo dhalay wiilka aqal-gelaya, la aroosinayo.

Kate Middleton oo ah gabadha ku soo biirtay qoyska reer Boqor, magaceeda waxaa ku soo kordhay isbeddel, waxaana wixii maanta ka dambeeya loogu yeeri doonaa Catherine Middleton, waxaana xil ahaan loogu magacaabay in ay tahay ‘Her Royal Highness the Duchess of Cambridge’ oo ah mansab Boqortooyo, isla markaas Amiir William waxaa isna loogu yeeri doonaa ‘Duke of Cambridge’, iyadoo mansabyadani yihiin kuwo ay bixiso Boqorada dalkan UK.

Sidaas darteed, iyadoo la isku soo nikaaxay, loona soo duceeyey qoyskaan da’da yare e maanta abuurmay, ayaa waxaa loo soo galbiyey Qasriga Boqortooyada ee Buckingham Palace. Waxaa gelbinayey fardo si qurxoon loo soo heenseeyey iyo askar loo carbiyey in ay maanta oo kale soo bandhigaan maamuus qurxoon.

Dhacdadaas oo adduunka oo dhan laga daawanayey, waxay ku soo dhamaatay markii Arooska iyo Aroosaddu ka soo muuqdeen barxadda (Balcony) Aqalka Boqortyooda ee Buckingham Palace, halkaasna dadka uga soo gacan-haadiyeen, iyagoo kolkaas ka dibna, barxadda korkeeda isku dhunkaday laba jeer.

Waqtigaas oo raxan diyaaradaha dagaalka ahi (kuwo ka qaybgalay dagaalkii 2aad ee dunida iyo kuwo casri ahba) ay dhoollotus damaashaad ah ka dhigayeen hawada magaalada London iyo gaar ahaan halka xafladda Aroosku ka socotay ee Qasriga Buckingham Palace.

Amiir William iyo Kate Middleton waa la galbiyey arooskoodii, oo noqon doona 'Arooskii Qarniga' tan iyo inta mid ka heer sareeya kooda cid kale la imaan doonto, London ama meelo kale ka dhaca.

C/qaadir Shire, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text