London oo soo banaanbaxday
Boqolaal kun oo qof ayaa banaanbax ka dhigaya magaalada London iyagoo diidan siyaasadda xukuumadda ee 'kharash dhimista'
Banaanbax ka mid ah kuwii ugu waaweynaa ee London soo mara ayaa maanta - 26ka Maarso 2011 - wuxuu ka socdaa bartamaha magaalada London, iyadoo la isaga yimid gobollada dalka UK badankood.
Banaabaxan oo ilaa hadda ah mid nabadgelyo ah oo damaashaad iyo dhoolatus la muujinayo, waxaa ka qayb-qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada , ay ugu horreeyaan oo hoggaaminayaan ururada shaqaalaha.
ED Miliband oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha 'Labour-ka' ayaa la sheegay in uu soo dhoweeyey banaabaxa heerkan ah ee looga soo horjeedo siyaasadaha maaliyadeed iyo horumarin dhaqaale ee Xukuumadda David Cameron, waxaana la sugayaa in uu khudbad u jeediyo dadka mudaaharaadya ee ku baaqaya "Ha la joojiyo kharash dhimidda degdegta ah, ee nolosha mujtamaca iyo kobaca dhaqaalaha duminaysa.", waxayna doonayaan in codkooda la maqlo.
Kasmo Online




