Home | Warar | Cudurka Swine Flu oo ku sii fidaya UK, isla dilay ilaa 39 qof

Cudurka Swine Flu oo ku sii fidaya UK, isla dilay ilaa 39 qof

image

Cudurka Hargab Doofaarka 'Swine Flu' oo 39 qof dilay, siina fidaya dalka UK

Tirada ilaa hadda la xaqiijiyey in ay u dhinteen cudurka dilaaga ah Swine Flue H1N1, dallka UK waxay gaartay ilaa 39 qof oo 36 ka mid ah la xaqiijiyey in ay u dhinteen Cudurka Hargab Doofaarka ee loo yaqaan Swine Flue H1N1, waxaana muuqata in iyadoo  weliba tiradan ay ka maqan tahay tiradii ugu Scotland oo aan weli la baahin inta gobolkaas ugu dhimatay cudurkan.

Toddobaadkan oo keliya 12 qof ayaa cudurka u geeriyooday, waxaana xaaladdooda caafimaad laga dayrinayaa ilaa 738-qof oo isbitaalada yaal. Sidaas darteed, dadka waxaa lagu guubaabinayaa in ayan sahlan khatarta cudurkani lahaan karo, talada ugu fiicana waxaa in la is-ilaaliyo, nadaafadda la ilaaliyo, laga fogaado qofka la ogyahay in uu Swine Flu hayo, hindhisadaada dadka laga ilaaliyo, toodana laga dheeraado, tissue nadiif ah mar kasta la istimaalo, astaamaha cudurkana lala socdo.

Gaar ahaan Haweenka uurka leh, caruurta, waayeelka iyo dadka Sonkorta qaba, waxaa lagula talinayaa in ay qaataan talaalka ka hortagga ee Flu-ga. Iyadoo Dawladdu oggolaatay in la qaado olole dadka lagu wacyi-gelinayo, laguna wargelinayo sida lagula dagaallamayo Swine Flu H1N1.

C/qaadir Shire Faarax, London, UK

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text