Home | Maqaallo | Dalka Allaha dejiyo!!

Dalka Allaha dejiyo!!

image Calanka Qaranka Soomaaliyeed

Qabyaalad iyo qola-qolayn meelna lagu gaari waaye 'Dib u soo nooleynta Qarannimadii waa in loo wada guntadaa'..

  Dalku waa hooyo, waana dhab marka aynu leennahay "Dalkii hooyo". Waa Xaruntii, Xudduntii iyo hoygii Soomaaliyeed.

Qofka Soomaaliga ahi, meel kastoo uu dunida ka joogaba, ugu dambeyntii waa u soo hoyanayaa, higsanayaa oo u hiranayaa dalkii hooyo. Soomaaligii la arkaba, wuxuu jecel yahay inuu Qabrigiisu ahaado dalkii hooyo.  Dhibkiisu waa dhibkeenna, waana uu na dhibayaa.

Waan ku dhalannay, u dhalannay, u dheelmaneynaa, dhib kastaa u mareynaa, oo weliba u dhimaneynaa, oo dhiigga u qubeynaa dartiis; ee dalka Allaha noo dejiyo. Isaga un baa na deeqa, oo na wada dabooli karaya. Waa kan keliya ee aan gudihiis na lagu weydiineyn  Warqad dhalasho (Teesaro), Baasaboor iwm. Aanna nala warsaneyn halka aannu ku soconno ama ka soconno, ee Allaha noo dejiyo dalka.     

Aroortii kastaa, markii aan ka soo dhaqaaqo Aqalka aan ka degganahay bariga magaalada Sanca(Yemen), waxaannu waddooyinka ku soo wada lugeynaa tobannaan Gabdho iyo Marwooyin Soomaaliyeed, oo u soo foofay Aqallada Carbeed, oo ay ka yihiin "Adeegtooyin".     

Inta badan Haweenkaasu, waxay hawshoodu tahay "Nadaafad" iyo fogeynta Gudaafadda(Wasakhda). Mushaarooyinka ay bishii qaataanna waxay u dhaxaysaa konton ilaa boqol Doollar/qofkiiba. Waxaan Haweenkaas sii kallahaya wejiyadooda ka akhristaa "Dalka Allaha noo dejiyo".

Hey'adaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah ee reer Yemen, waxaan ku soo ag-maraa Barbaar Soomaaliyeed oo ay da'doodu u dhexeyso labaatan ilaa afartan jir, kuwaas oo boorka ka bi'inaya (masaxaya) Gaadiidka horyaalla Hey'adahaas.      Waa dhallinyaro xoogsaneysa, muruqooda maalaya oo xalaashooda cunaya. Biilkooda ayay la soo baxaan oo baahidooda ayay daboolaan badankood, marka laga reebo kuwa uu Qaadku dilooday iyo kuwa gacna-gacneeya Gaadiidkii lagu aminay, sumcadda guudna halleeya.     

Marka aan soo hormaro Xarumaha laga dirsado Telefoonnada, durba waa aan gartaa, haddii ay meesha ku jiraan dad Soomaaliyeed,waayo, waxaa dhegaheyga ku soo dhaca:-"Deg-deg wax iigu soo dir waa sii tahriibayaaye'","Leynkii waa igu qarxaday, 'Kuwii is-xambaarkaa I sugaya', Xaalku waa igu xun yahay","Caruurtaa iga biil la'  ee wax igu soo tuur Abbaayo/Abboowe" iwm.     

Marmar waxaan isku deyaa, in aan u caqli-celiyo dhallinyarada joogteysatay Tahriibka iyo Socdaalka qarda-jeexa ah. Waxayse iigu jawaabaan: "Adeer arrintu waa 'Shul ama Shal'  ee shaahid ka noqo; kala-baxna Kitaabkaa qaba!".     

Bartamaha magaalada Sanca ayaan soo gaaraa. Xarumaha Xawaaladaha Dahab-shiil, Qaran, Iftin iyo Amal ayaan soo ag-maraa. Waxaa hor-dhooban tiro aan yarayn oo Dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo gaadaya oo kaliya, cid wax lagu soo tuuray. Shaxaad ayay meesha u dhooban yihiin. Ayaan-darro, qaarkood ilaa heer Agaasime ayay ka gaareen Xafiisyadii Dawladda ee "Beri-samaadkii".     

Meel ay ugu magac-dareen "Tarbuunaha" ayay kooxo fadhi ku dirir ahi dhooban yihiin. Dood aan dhammaaneyn, faro isku fiiq iyo buuq ayaa soconaya. Kooxaha Siyaasadda dalka isku haya ayaa lala kala safan yahay. Qaarkood, fadhiyo-Qayilaad ayay isu sii ballansadaan, si ay u sii wadaan "Mergiyo-taagga". Waa la xiiqayaa, la qola-qoleynayaa oo laysku qeylinayaa.     

Haddii uu dalkii degganaan lahaa, waxay kooxahani sal-dhigan lahaayeen fagaarayaasha: Ceel-gaab, Yoobsan, Siinaay iwm. Waa ay shaaheyn lahaayeen, kala showri lahaayeen shiddo la'aan, hadday rabaanna waa ay  is-shushumin lahaayeen, ee allow noo deji dalka.    

Fiidyadii, waxaa soo hor-maraa derbi saddex-geesood ah, oo ku yaalla agagaarka Fagaaraha "Taxriir" ee bartamaha Sanca. Waxaa meesha fariista Hawlwadeennadii Hay'adihii Qaranka iyo adeeggii bulshada ee beri-samaadkii. Macallimiin, Takhaatiir, Injineerro, Shaqaalihii Bankiyada, Diplomaasiyiin ,Saraakiil iyo Taliyayaal Ciidan iwm. Dhammaantood shaqo kuma hayaan halkan ee Allow noo deji dalkii.     

Ma xuma in la yiraahdo"Allow noo deji dalka",waayo, isaga ayaa qaadirkii ah, amarkana leh, laakin, waa in aynu annaguna la nimaado "Asbaab". Waa in loo noqdaa Rabbiga,  Isa saamaxaad dhexdeenna ah ayaa la rabaa. Niyad-sami iyo midnimaa loo baahan yahay. Qabyaalad iyo qola-qolayn meelna laguma gaaro. Dib u soo nooleynta Qarannimadii waa in loo wada guntadaa. .     

Qori qori ku-taag iyo isla qabweyni meelna lagu gaari waa. Aynu qoriga ku beddelno qalinka iyo qalabkii tacabka. Qayilaad, Qax, Qurba-joognimaba iyo anaa kaa qabweyn waa ay na  diloodeen. Cidda keliya ee faa'iideysana waa 'Cadowgeen' ee taas ha la ogaado. 

WQ: Muxyaddiin M.Kaalmoy

kalmoi@hotmail.com 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text