Faallo: Caqliga 'Gaal iyo Muslim'
Gobolka Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Gedo, Bay, Bakool, Shabeelle Hoose iyo Shabeelle Dhexe, dhammaantood waxaa la wareegay Ashabaab iyo Xisbi Islaam. Waxaa calanka Madow laga taagay gobolladaas oo dhan, iyagoo siibaya, bixinaya Calanka Qaranka Soomaaliyeed!
Tan iyo markii ay la wareegeen magaalada Kismaayo, waxaa gobollada Soomaaliya si aan kala go’ lahayn ugu dhacayeen gacanta Ashabaab iyo Xisbul Islaam.
In ay dhammaan goboladaas soo qabsadeen, kulligoodna ka soo dhisteen maamullo iyaga hoos yimaada, iyo iyadoo la ogyahay in ay qayb Muqdisho ka mid ah iyagu ka taliyaan, isla markaasna ku sii fool leeyihiin Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa dad badani waxay isha ku hayaan koritaanka sida duufaanta u socda ee Ashabaab iyo Xisbul Islaam.
In kastoo labada urur ay dhici karto in ay jiraan wax ay iyagu ku kala duwan yihiin, sida hadafkooda dambe wuxuu yahay, cidda ay ku kala tiirsan yihiin, halka ay dhaqaalaha ka helaan iyo sida looga mid noqdo, haddana hubaal labadaas urur waxay ururada kale ee Soomaalida uga duwan yihiin in aysan qabiil ku abtirsan. Waana taas tayada gaarka ah ee ay ku kobcayaan, oo ayan iska cabin karin beelaha iyo urur-kasta oo beel ku dhisan.
Hase ahaatee, dhuufaanta xowliga ku socota ee Ashabaab iyo banaysiga in dalka Soomaaliya ka dhexeeyo Islaamka oo dhan, duniduna Muslim iyo Gaalo u qaybsan tahay, Mujaahidiinta caalamkuna ugu yimaadeen in ay ‘Cadowga Ilaahay kula dilaan gudaha Soomaaliya’. Hubaal, caqliga noocaas ah, waxaa la sii arki karaa in uu yahay mid guuldarro ku dambeyn karaya.
Ugu yaraan haddii Soomaalidu ayan maareyn karin, waxaan dhaafi doonin dunida kale oo iyadoo isla jirta, Gaal iyo Islaamba, colaad kula geli doonta gudaha Soomaaliya.
Faallo ku soo baxday Kasmo, 21 May 2009





