Faallo: ‘Shahaado Sharaftii’ Sheekh Shariif!
Faallo: ‘Shahaado Sharaftii’ Sheekh Shariif!
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaarihii xilka laga casilay ayaa guddoomay Shahaado Sharaf uu bixiyey Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya. Taas oo lagu bixiyey munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada, habeenkii 25ka Juun 2011.
Munaasabaddaas oo lagu maamuusayey 51-guuradii 26kii Juun 1960 oo ku beegnayd markii gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ay madaxbanaani ka qaateen Dawladda Britain. Hase ahaatee, in kastoo loo fadhiyey xaflad 51-guuro, haddana ma fahmi karno in Shariif Sheekh uga faa’iideysto - meel Soomaali oo idili joogto ama fiirsanayso - shahaado Sharaf uu guddoonsiinayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Heshiiskii Kampala ee uu wax ka soo saxiixay xilka looga qaaday, kacdoonkii ka dhashayna weli socdo!.
Khilaaf loo nisbeeyey in uu u dhexeeyo laba Shariif (Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aden) ayaa jiray. Kaas oo salka ku hayey’ in Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Farmaajo, marka la gaaro bisha August 2011, waqti sanad ah loogu kordhiyo, si ay u dhamaystirto horumarka ay sameynaysay. Waxaase taas ka horjeeday Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo doonayey in doorasho Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan la galo, August 2011.
Waxaase dhacday in laba Shariif ka soo noqdeen 'Kampala' iyagoo ku soo heshiiyey 'muddo kororsi' sannad ah, iyo in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xukuumaddiisii waqtiga loo kordhin lahaa, ay meesha ka baxaan. Farmaajo isku casilo 30 casho gudahood!.
Markii la maqlay khabarka Heshiiska Kampala ee la saxiixay 9kii Juun, waxaa qarxay banaanbaxyo aan Soomaaliya hore u soo marin. Gegida Diyaaradaha ilaa Xarunta Madaxtooyada waxaa xiray kumaankun dad ah oo ruxayey Sawirka Ra'iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sawirada laba Shariif iyo kan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qabilsan Soomaaliya, Dr Augustine Mahiga waa lagu tumanayey, dab la surayey, lana cambaareynayey qodob kasta oo ka mid ahaa Heshiiskii Kampala!.
Banaanbaxyadaas lagu taageerayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ku dhintay dad, qaar ayaa ku dhaawacmay, hanti ayaa ku burburtay, waxaana ka aloosmay cambaareyn ku foorartay laba shariif, welina ‘Kacdoonkii’ waa taagan yahay!.
Markaas, waxaa dad badan la yaab ku noqon karta, marka ay arkaan muuqaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Shahaado Sharaf ka guddoomaya Sheekh Shariifkii ay maalmo ka hor ku banaanbaxayeen, gudo iyo Dibedba!.
Markaas, weyddiin xaq ah ayaa imaanaysa, oo oranaysa: ‘Mudane Farmaajo, maxaad u hambeysay damiirka dadka Soomaaliyeed ee taageeradooda iyo hiilkooda kugu garab istaagay?!’.
Il-duuf iyo ogaansho kay doonto ha uga dhacdee, hubaal, banaanbaxayaashii Soomaaliyeed ee meel kasta ka dhacayey; ayna ku jiraan kuwii uu Sheekh Shariif ku tilmaamayey in lacag lagu soo abaabulay!. Kuwaas iyo qadiyaddii soo kicisayba, Shahaado Sharafta Sheekh Shariif ku guddoonsiiyey waxay ku tahay dhabar-wareen!.
Wargeyska Kasmo, London




