Home | Faallo | Ashabaab & Somalia: Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo

Ashabaab & Somalia: Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo

image Somali Flag

Guuldarada ugu weyn oo Ashabaab ku dhacday, waa midda uga timid dadkii oo nacay!. Waxay noqdeen qoon cariga xoog ku haysta.
Waxaa la nacay wejiyada ay qarsadaan iyo Al-qaacida la bahowgooda!. 

Waxaa la nacay calanka madow oo ay wataan iyo kii Soomaaliya oo ay dejiyeen. Waxaa la nacay qabuurihii ay faagteen iyo taalooyinkii xusuusta ahaa oo ay burburiyeen. Waxaa la nacay jihaadka beenta ah oo ay dhalinyarada geliyeen, iyaguna gadaal maraan!.

Waxaa ugu dambeystii lagu nacay magacyada carabiga ah oo ay ku beddelayeen afkii Soomaaliga, sida Amiir, Walaayo, Kataa’ib iyo kuwo kaloo badan. 

Dabcan, dadweynuhu waa ogyahay in Ururka Ashabaab horjoogsadeen gargaarkii dadka baahan, iyo shirqoolidda marba dadka intii ay waxgarasho ku ogyihiin!.

Dagaalka dhowaan qarxay, in kastoo uu weli socdo, haddana Xarakada Ashabaab Mujaahiddiin waxaa ku dhacday in laga salkiciyo magaalooyin iyo goobo istaraatiijig ah. Magaalada Muqdisho, waxaa laga qabsaday dhul ay weligood haysteen, waa Wasaaraddii Gaashaandhigga, warshaddii Caanaha, Xaruntii Saraakiisha, Raadaarka Dayniile iyo goobo kale oo muhiim ah.

Gobolka Gedo oo ay ka mid tahay Degmada Beled-xaawo, Luuq, Garbahaareey, Ceelwaaq iyo magaalooyin kale oo Buurdhuubo ka mid tahay, kuligood gacanta Ashabaab waa ka baxeen. Gobolka Bakool ayaa isna gacantooda ka baxay, waxaana ruxanaya Gobolka Hiiraan iyo Baay oo qarka u saaran in laga xoreeyo.

Warar laga soo xigtay saraakiisha hoggaaminaysa dagaalka socda, dhanka koofureed, waxay tibaaxayaan in guluf weyni ku sii jeedo magaalada Dekadda ah ee Kismaayo, ayna suurtogal tahay in waqti aan fogeyn gobolada Jubba oo dhan gacanta Ashabaab ka baxaan.

Shabaabka waxaa soo foodsaartay dagaal ayan hore noociisa oo kale ula kulmin, waxaase la oran kara Shabaabku iyagaa gacantooda ku sameystay jabka ku dhacay, waa cadowtooyada ay ka dhex beerteen bulshada, waxaana Soomaali badani u arkaan ‘cadow’ ay leeyihiin oo jabaya.

'Ashabaab' waxaa lagu nacay wax kasta!’

Wargeyska Kasmo ‘Faallo’, 10kii Maarso 2011, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text