Home | Cayaaraha | Geerida Faarax Weheliye Caddow Sindiko

Geerida Faarax Weheliye Caddow Sindiko

image Faarax Sindiko

Xilliga burburka, ujeedada Faarax Sindiko kuma koobneyn ka qeybgalka ciyaartoyda dalkeena oo keliya, waxaase danta runta ahi ahayd in dunidu ogaato in dalka Soomaaliya weli jiro, calankiisuna mid keliya yahay.

Prof. C/qaadir Xaaji Sabriye;

Waxaa 19kii bishan Nofember, abbaaraha 9kii fiidnimo ee saacadda London, magaalada Qaahira ku geeriyhooday Allaha u Naxariiste Faarax Weheliye Caddow oo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaana bahweynta Isboortiga qeybihiisa kala duwan u yaqaaneen (Faarax Sindiko).

Taariikh nololeedkii Faarax oo ay adag tahay in lagu soo koobo warbixino gaaban, waxaa si aad ah maalmahan uga hadlayay warbaahinta qaaradda Afrika iyo Somaliya.  Hase yeeshee, Wargeyska Kasmo qeybta isboortigu wuxuu halkan isku dayi doonaa inuu idiin soo gudbiyo dhacdooyinkii iyo weliba raad-reebkii aan malaha la xusin ama aan aadka loogu dheraan ee marxuum Faraax Sindiko ku xariiqay, ugana tegay baalasha taariikhda isboortiga caalamiga ah gaar ahaan qaaradda Afrika iyo dalka Soomaaliya.
Faarax Sindiko wuxuu ku barbaaray, dhaqdhaqaaqa Isboortigana ka billaabay barta loo yaqaan (Shanta Geed) oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Halkaas oo uu waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay. Yaraantiisiiba wuxuu Faarax la soo shaac baxay ifafaale ay ku dheehan tahay adadeeg maskax iyo jirba leh, wuxuuna hormuud u ahaa dhallinyaradii uu la soo barbaaray, isaga oo sidaas ku kasbaday naaneysta uu caanka ku ahaa ee “SINDACO” oo dadka badankiis ugu dhawaaqaan Sindiko waa eray af Talyaani ah, macnahiisa tooska ahina waa tilmaame la siiyo duqa magaalada af carabigana waxaa lagu yira CUMDA.
Faarax in kastoo uu magac weyn ku lahaa dhanka ciyaaraha siiba K Cagta, wuxuu ahaa Korontayaqaan xagga aqoonta farsamooyinka kala duwan ee loo adeegsado Korontada.

Muddadii u dhexeeysay 1960/67 wuxuu madax ka ahaa hey’adii war lalaliska Radiyo Muqdisho oo lagu magaacaabi jiray (Somali Broadcasting Service)   
Sida la wada ogyahay Faarax Sindiko wuxuu ahaa ninkii saddexaad oo ka socday dalka Soomaaliya oo ku guuleeystay hanashada shahaadada aqoonsiga garsoore caalami ah ee Kubbadda Cagta, waxaana isga uga horreeyay AUN Xussen Maalin iyo Faraqajaan sida ku xusan diiwaan galinta gaar soorayaasha caalamiga ah ee qaaradda Afrika.
Waxaa xusid mudan in Faarax uu ka mid ahaa gaarsoorayaashii laga soo xulay qaaradda Afrika si ay u dhex-dhexaadiyaan tartankii Kubadda Cagta Dunida oo sanadkii 1974kii lagu qabtay magaalada Munchen ee dalka Jarmalka.  
Hase yeshee uma soo galin inu si ficil ah uga qeybqaato fulinta howshaas darajada weyni ku dheehneyd, waxaana uga wacnaa ciyaar lagu qabtay magaalada Qaahira oo ku saabsaned is reeb-reebka qaaradda Afrika ayaa isagoo garsoore ka ah waxay isku dheceen ciyaar yahan aad u qab weynaa oo uu dhashay dalka Masar, Faaraxna wuxuu aad u nebcaa kibirka iyo ku xad gudubka shuruucda ciyaarta uu markaasi dhexdhexaadinayo. Natiijadii isku dhaco waxay noqotay in ciyaartooygiina ganaax culus uu la kulmo, Faaraxna laga joojiyo ka qeyb-qaadashada garsoorka ciyaarihii sanadkaas lagu qabtay dalka Jarmalka.
Allaha u naxariistee, Faarax Sindiko intii uu ku dhex jiray ciyaaraha isboortiga garsoorka oo uu ku soo caan baxay ka sokow wuxuu buuxiyay dhowr jago isagoo si weyn oo hagar la’aan ah ugu soo dhalaalay gudashada howlihii loo xilsaaray, wuxuuna ka gaaray heerkii ugu sarreeyay oo weligeed qof u dhashay qaaradda Afrika ciyaaraha caalamiga ah ka gaaro. Jagooyinkaas waxaa ka mid ahaa:
1.ka dib markii uu in badan soo ahaa ciyaartoy, garsoore iyo maamule, ayuu dabayaaqadii 70eeyadii markii ugu horreysay noqdo: Guddomiyaha Xirirrka Somaaliyeed ee K Cagta.
2.Sanadkii 1982kii ayuu xubin buuxda ka noqday Xiriirka K Cagta ee qaaradda Afrika (CAF), wuxuuna jagadaas hayay ilaa sanadkii 1988.
3.Isla sanadkii 1988kii ayuu xubin ka noqday Guddihga Fulinta ee Garsoorayaasha qaaradda Afrika.
4.Sanadkii 1992kii ayuu heerkii ugu sareeyay ee maamulka garsoorayaasha Afrika gaaray ka dib markii loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Garsoorayaasha qaaradda Afrika oo dhan, wuxuuna jagadaas muhiimka ah hayay ilaa sanadkii 2004.
5.Sanadkii 2000 shir lagu qabtay magaalada Accra ee dalka Gana waxaa loogu doortya guddoomiya ku xigeenka (CAF)
6.Dadaal iyo karti dheeraad ah oo uu muujiyay darteed ayuu isla sanadkii 2004 xubin buuxda ka noqday Guddiga garsoorayaasha caalamiga ah oo hoos yimaada Xiriirka K Cagta Adduunka (FIFA). Halkaas oo uu si karti leh ugu dagaallamay xuquuqda garsoorayaasha Afrika.
Ka dib hakasho sanad ah ayuu AUN Faarax ku soo laabtay howlihii uu u hayay qaaradda Afrika oo uu si hab sami ah u fuklinayay ilaa iyo maalmihii ugu dambeeyay noloshiisa.
Faarax Sindiko, sanooyinkan dambe oo dhibaatadu ku habsatay dalka Soomaaliyeed, halka ay dhiggiis ku mashquulsanaayeen oo ay meheradda ka dhigteen xasuuqidda shacbiga, iyo weliba burburinta dalkii ay u dhasheen, wuxuu Faarax Calanka midabka Buluugga ah oo bartamaha xiddigta shan geesoodka ah ku leh la dul taagnaa goob kasta oo dadweynaha dunidu ku kulmi jireen, sida xafladihii loo sameeyn jiray munaasabadaha ku beggan furitaanka ciyaaraha caalamiga ah.
Ujeedadiisu kuma koobneyn ka qeybgalka ciyaartoyda dalkeena oo keliya,  laakiin danta runta ahi waxay ahayd in dunidu ogaato in dalka Somaliya weli jiro, calankiisuna mid keliya yahay.
Waxaa aan shaki ku jirin in tallaabadaas waddaniyaddu ku dheehan tahay Faarax lagu xusuusan doono.

Tacsi Geerida Faarax Weheliye Caddow
Dhamaan madaxda, tifaftirayaasha,  qorayaasha iyo guud ahaan howlwadeenada Wargeyska Kasmo waxay si wadajir ah Tacsi ugu dirayaan qaraabadii, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u  Naxariistee: Faarax Weheliye Caddow (Faarax Sindiko) oo dhawaan ku geeriyooday  magaalada Qaahira.

Waxa kale oo isla eheladii marxuumka tacsi halkan uga diraya: Mohamed Abdi Yusuf, Ahmed Abdi Dahir ‘’Shell’’, Axmed Nuur Seyga Ruushka, Duran Farah, Mohamed Ismail, Bashir Abdi Dahir, Mohamed Buuwe, Mohamud Nur
 Ahmed Nur Abdulle, Siciid Cagaseef,  Mohamed Xaaji Ingiriis, Siciid Geeseey Gacal, C/Qadir Cadaay, Baana Cali, Cumar Ayeelo, Yusuf Mohamed Abdi Yusuf, Cabdullahi Cali  Shire, Xasan Muuse Sheekh iyo Cabdi Calasow Raage
 
Waxay dhamaantood Ilaah uga baryayaan inuu jannadii ka waraabiyo Faarax Sindiko, qoyskii, eheladii iyo asxaabtiisiina samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin, aamiin..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text