Home | Cayaaraha | SOMALI CHALLENGE CUP 2008

SOMALI CHALLENGE CUP 2008

image

Somali challenge ciyaaraahan oo sannad walba ay qabato HAYA Somali community, una qabato dhalliyarada iyo ciyaalka Somaliyeed

Yaa badiyey London Stars iyo Waaberi?  

Somali challenge ciyaaraahan oo sannad walba ay qabato HAYA Somali community, una qabato dhalliyarada iyo ciyaalka Somaliyeed ee ku nool UK, siiba London, ayaa waxaa ciyaarahan oo Sabti walba ka dhaca xaafadda Hayes isugu yimiaadaan kooxo aad ugu dheer kubadda cagta. Waxaa kale oo ka soo qaybgala dad badan oo taageerayaal ah. 

Ciyaarihii oo maraya Sabtidii labaad, xagey marayaan? 

Maalintii Sabtidii la soo dhaafey ayaa waxa ka dhacay ciyaar kulul oo ay isku arkeen 8 kooxood oo kala socoda xaafadaha kala ah South London, North London, East London, West London iyo North West London. Ciyaarahan oo dadka badankoodu ku mashquul sanyihiin cidda koobka qaadi doonta waxay u dhacen sidatan.  

Ciyaartii 1aad

Ugu horeyntii waxa fooda is darey kooxa links iyo koxda Heston haddaba ciyaartan oo u dhacdey si wanagsan oo dadku ku raaxeysteen. Ciyaartan oo aad moodeysey iney kooxda links u khibrad sheegatay kooxda da’da yar ee Heston halkaas oo ay ciyaartu ku dhamaatey

Link  4-2 Heston Ciyaartii 2 labaad

Waxaa isku soo aadey labada kooxood oo kala ah London stars iyo Waaberi khatar ah. Waxa dad ku sugu kari lahayeen ciyaaartan oo London star oo Sabtidi hore ay kasoo badisey kooda Alhjira, ayaa haddii maanta laga badiyo hareysaa, haddaba ciyaartaan oo ahayd mid aad u kulul, labada kooxood difaac iyo weerar ku jireen ayaa London stars ku tiri waaberiyeey na barta saaxiibayaal nama taqaaniine. Ciyaartana waxay ku dhammaatey

London Start 2 -1 Waaberi Ciyaartii 3aad

Haddaba, Hayes oo tartanka(cupka) lagu qabtey xaafadeeda ma ka yeeleysaa kooxda Osca oo ka timid East London iney ka badiso oo reebto waa su’aal dad bani is weydiinayaan, haddaba, ciyaartaan oo aad u kululey waxad moodey in gelinkii hore ay Hayes difaac ku jirtey Osca weeerar ku jireen, hase ahaatee, gelinkii danbe ayaa Hayes weerar soo qaadeen oo dhalliyeen 2 goal, halkaas oo Osca si degdeg ah ugu jawaabtey, ciyaartan oo aad u xiisho badney waxay ku dhamaatey

Hayes 4 - 2 Osca Ciyaartii 4aad

Ciyaartaan ayaa ahayd mid ciyaarihii oo dhan fadhiiseyey oo tiri weli waxba maydan arag ee noo fadhiista, waxa fooda is darey laba kooxood oo hub culus isu soo qaatey oo aad moodeysey in mid waliba soo diyaar garowdey, haddaba, ciyaartan oo dadku ku raaxeysteen ciyaarta wanaageeda, ayaa waxa is heley laba kooxood oo midna North London ka timid oo can ah Alhijra iyo kooxda aad looga yaqaano ee la yiraahdo Halgan. Hadaba kooxda Halgan oo dad badani isla dhex marayaan iney koobka sanadkan qaadi doonto, waxay ku dhamaatey sidan:

Halgan 3 - 2 Alhijra  Tartan (Competitions)

 HAYA community waxay u balan-qaadeysaa qofkii usbuucan sheega cida Somali challenge cup 2008 badin doonta iyo goolasha ay ku badin doonaaan, in la siinayo alaabo ay ka mid yihiin mobile iyo top up vouchers.

 Ciyaarahan kala soco www.haya.org.uk/sports

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text