Home | Cayaaraha | England iyo Slovenia

England iyo Slovenia

image Jermain Defoe

Rejadii Kooxda England oo sare u kacday ka dib markii ay u soo baxday heerka isreebka 16ka

Xulka England ayaa ka guuleystay kooxdii Slovenia, ka dib  markii weerar-yahanka lagu magacaabo Jermain Defoe uu GOAL si xalad leh loo dheelay, ka dhaliyey kooxdii Slovenia. Halkaas oo Kooxda England u soo gudbtay heerka 16k, waxaana cayaartu ka dhacday Stadiumka 'Port Elizabeth'.

Guusha England waxay dejisay welwel iyo dareen soo kordhayeyoo lagu dhaliil;ayey maamulaha Fabio Capello, ku saabsanayd sidii in horumarka kooxdu ka sameyn la'dahay acayaaraha World 2010, haddii ay xiriir la leedahay soocasho xumo dhankiisa ah!

Hase ahaatee, cyaartii Kooxda England halkaas ka muujisay, waxay dejisay niyada taageerayaal malaayiin ah, oo jecel in ay arkaan Kooxdooda oo la soo noqota guul. 

England iyo Germany ayaa cayaarta soo socota dhex mari doontaa, maalinta Axadda, ku beegan 27ka June, iyadoo Germalku ay Goal iyo eber kaga soo badiyeen Kooxda Ghana.

Kasmo Sport

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text