Home | Bogga Hore | Cayaarihii Olimbigga oo la soo gabagabeeyey

Cayaarihii Olimbigga oo la soo gabagabeeyey

image

Bejing oo xiritaankii mar kale soo bandhigtay muuqaallo ashqaraar reebay iyo London oo lagu wareejiyey Calanka Olimbigga ee Cayaaraha 2012.

24 Aqoosto 2008- Bejing (Kasmo); Cayaarihii Olimbigga ee ka kala socday 204 dal ayaa si rasmi ah loogu soo gunaanaday Stadyumka  Buulka Shimbiraha (Birds' Nest Stadium) ee magaalada Bejing. Halkaas oo Tartankii 29aad ee Olimbiggu ka soconayey 16kii maalmood ee la soo dhaafay.

Qaran weynaha Shiinuhu wuxuu qalbiga u furay, si wacdaro lehna u soo bandhigay Cayaaraha Olimbigga ee Sannadkan 2008, iyadoo Magaalada London, tartanka dambe lagu qaban doono. Boris Johnson, Duqa magaalada London ayaa halkaas  munaasabadii xiritaanka Cayaaraha lagu guddoonsiiyey Calanka Olimbigga.

Cayaaryahanada kala duwan ee Britan waxay guulo waaweyn ka soo hooyeen Olimbigga Sannadka. Great Britain waxay qaadday 47 biladood oo u kala baxa: Dahab 19, Qalin 13  iyo Maar 15. Waxaa ka horreeyey oo keliya dalalka Shiinaha, Maraykan iyo Ruushka.

Sidaas darteedna, marka cayaartoyda Britain dalka ku soo noqdaan, waxaa London loogu soo dhoweyn doonaa geesiyaal Qaran, waxaana dhici doona damaashaad iyo xus weyn oo Qaran, 16ka Oktoobar 08.

Horumarka Cayaaryahanada Britain ka soo hooyeen Tartanka Olimbigga ee galabta lagu soo xiray Beijing, waxaa bogaadayeu Boqorada dalka UK, Queen Elzabeth.

 Ra'iisal Wasaare Gordon Brown ayaa la sheegay in uu qaabilaad ugu sameyn doono Xafiiskiisa. 

Kasmo Online, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text