Home | Bogga Hore | Radovan Karadzic oo soo gacan-galay

Radovan Karadzic oo soo gacan-galay

image Radovan, sida uu isku ekeysiiyey!

Ugu dambeyn, Dagaal ooge kasta caddaaladdu waa soo qaban doontaa.

Waxaa la soo qabtay Radovan Karadzic oo baxsad ahaa 11 sano. Waxaa dembiilahaas gacanta ku dhigay ciidammada Dowladda Serbia.

 Isaga iyo General  Ratko Mladic, waxay mas’uul ka yihiin xasuuqii 8000 (siddeed kun) oo muslimiin ah oo ciidamo iyaga ka amar qaata ay ku gumaadeen magaalada Srebrinica (Bosnia); xasuuqaas oo ahaa kii ugu  xumaa oo Yurub ka dhaca tan iyo intii ka dambeysey Dagaalkii Labaad ee Dunida.

 

Labadaas dambiile, waxaa baadi-goobayey Maxkamadda Dembiyada Adduunka ee Hague.

 Madaxda xarigga dembiilahaas ka hadashay waxaa ka mid ah Richard Holbroke oo arrimaha Bosnia dhexc-dhexeediye ka ahaan jirey, kaas oo Radovan ku tilmaamay inuu yahay ‘Cusama bin Laden-ka Yurrub’.

 

Waxaan rajeyneynaa in dembiilayaasha Soomaaliya dadka ku laayeyey, in iyagana markooda la soo qab-qabto oo Maxkamad la saaro si looga abaal-mariyo dembiyadii ay dalka iyo Ummaddaba ka galeen.

WQ: Maxamed D. Bareer

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text