Maalinta nabadda Adduunka 21ka September oo maanta la xusay.
Urur la yiraahdo Women Journalist in Action oo Soomaali ah ayaa maanta ku qabtay magaalada Nairobi xaflad lagu xusayey maalinta Nabada adduunka oo ku beegan 21ka September 2008.
Inta badan dunida ayaa maanta laga xusay maalinta nabada adduunka, taasoo sanad waliba maanta oo kale la xuso 21ka September. Xafladan oo aad looga hadlay dhibaatada Soomaaliya haysata ayaa laga soo jeediyey baaqyo lagula hadlayey hogaamiyeyaasha siyaassada Soomaalida in ay wax ka badalaan xaalka wadanka Soomaaliya ku sugan yahay.
Maryan Jacayl oo ah gabar Soomaaliyeed oo suugaanta buraanburka aad u taqaan ayaa tix gaar ah kaga hadashay waxa haysta Soomaalida iyadoo tiri:
“Dadkeenii Johansberg ayaa juf looga dhigay oo
Dowlada jirrisa iyo jaaliyada u hadasha ma laha o
Jiddiin inay ka raadsadaan jiirka kuwo ka neceb
Ayey jooggaane, Balaayadiyo allow baaska naga xijaab”
Dhanka kale fanaanka Soomaaliyeed ee Cabdi Cali Bacalwaan ayaa isna ka hadlay oo sheegay in la iska iloobay fanaaniinta isagoo xusay in fanaaniintu wax badan ka gali karaan xagga toosinta dadka, balse hadda aan cidduna usoo jeedin. Wuxuuse Bacalwaan la hadlay warbaahinta Soomaalida isagoo ku tilmaamay kuwa afdheer laakiin aan dhanka nabada ama qaab nabadeed wax u qorin, wuxuuna Bacalawaan codsadaya in qoraalka loo badiyo dhanka nabada.
Si wanaagsan ayey ku dhamaatay xafladu, walloow Soomaaliya ay colaada darina ka taagan tahay oo maanta aysan u tirsaneyn.
Abdirizak M Diriye
Kasmo Nairobi.




